Wuxuu jiraa kaliya hal bil waxaana laga siibay 7 ilkood. Layaabka aduunka.

Dhakhaatiirta gobolka Gujarat ee ka tirsan India ayaa sameeyay qaliin ay wiil yar oo bil jir ah uga siibayaan 7 ilkood.

Sida uu sheegay mid kamid ah dhakhaatiirtii qaliinkaan ku howl lahaa wiilkaan ayaa xaaladiisa caafimaad ay hagaagsan tahay  iyadoona howsha qaliinka ilkaha looga siibayay ay labo marxaladood martay.

Marxalada koowaad waxaa wiilka yar laga siibay 4 ilkood halka marxalada labaadna laga siibay 3 ilkood iyagoona isku darka labada marxalad wiilkaan halka bil jiro laga siibay 7 ilkood.

Wiilkaan oo ay ilkaha u soo baxeen kaliya markuu baryo noolaa ayaa dhakhaatiirta loo geeyay markii la baarayna waxaa afkiisa laga helay dabool cad oo ilkaha ku dahaarnaa kaasoona kalifay qaliinka uu wiilka maray.

Dhakhtarka ayaa sidoo kale sheegay in aysan horay u arkin xaalad lamid ah midaan oo kale tanina ay tahay midi ugu horeysay nooceeda.