Xaasaasi: 10ka sirdoon ee ugu fiican aduunka. (no1 ma aamini kartid).

Aduunkaan wadankastaa wuxuu u baahanyahay wakaalado iyo sirdoon kuwaasoo ay xitaa mug ahaan iyo tiro ahaana ku kala duwanyihiin.

Wakaaladahaan ayaa u istaaga iney xogaha iyo macluumaadka aruuriyaan sidoo kalana waxay masuul ka yihiin amniga dowlada  waxaana intaas u sii dheer iney fuliyaan howlo loo igmaday kuwaasoo noqon karo hadaf milatari ama mid siyaasadeed.

Sirdoonka waxay ku shaqeeyaan qaab qarsoodi ah mana jiro qiyaas sugan oo lagu ogaan karo awoodooda maadaama ay qarsoodi yihiin hase yeeshee sida ay qortay Foxnewspoint waxay sheegeen in 10kaan sirdoon ay yihiin kuwa ugu awooda badan aduunka.

10-Nadaamka Mossad ee yahuuda.

Waxaa lagu aasaasay kadib talo uu soo jeediyay ra’iisulwasaarihii hore ee israaiil David bin Gurion sanadkii 1949kii.

Nadaamkaan wuxuu qabtaa howlo badan waxaana ugu muhiimsan ilaalinta dadyowga iyo dhulka yahuuda waxaana ka howlgalaan ku dhawaad 7kun oo qof waxaana sanad kastaa ku baxdo miisaaniyad dhan 2.3 bilyan oo doolar.

9-Wasaarad amniga dowlada shiinaha MSS.

Wasaarada amniga ee shiinaha waxay leedahay dhamaan waxyaabaha looga baahanyahay sirdoon awood leh waxaana sirdoon ahaan loogu aasaasay sanadkii 1983dii waxayna doorar muhiim ah ka ciyaartay howlgalo badan oo ay burcada iyo argagaxisada kula dagaalantay magaalooyinka Macau iyo Hong Kong.

Wakaaladaan sanadkastaa waxaa ku baxdo miisaaniyad dhan 3 ilaa 4 bilyan doolaar.

8-Sirdoonka sirta ee yahuuda ASIS.

Waxaa sanad kastaa ku baxdo lacag dhan 468 malyuun oo doolar waxayna ka howl galaan gudaha iyo dibada wadanka israa’iil.

Sidoo kale waxay la shaqeeyaan wakaalado dowli ah da’ ahaana wakaaladaan waxay jirtaa 64sano waxaana lagu tiriyaa sirdoonka aduunka kuwooda ugu xooga badan.

7-Maamulka guud ee amniga France DGSE.

Waxay howl galeysay tan iyo sanadkii 1982dii xarunteeda rasmigana waa caasimada France ee Paris  awood ahaana waxaa lala barbardhigaa kuwa US iyo UK ee CAI iyo M16  waxaana sanadkasta ku baxdo miisaaniyad dhan 731 malyuun doolaar.

6- Garabka baaritaanka iyo taxliilinta India ee RAW.

Xaruntooda ugu weyn waxay ku taalaa caasimada wadankaasi ee New Delhi.

Kadib markuu fashil soo wajahay sirdoonkii India intuu lagu dhex jiray khilaafkii ka dhaxeeyay India iyo Pakistaan waxay noqdeena kuwa caalamka ugu sareeyo waxayna la socdaan arimaha siyaasada, milatariga, dhaqaalaha iyo cilmigaba.

Miisaaniyada ku baxda wax xog ah kama heyno.

5-Midowga sirdoonka Germany BND.

Waxaa la aasaasay mudo haatan laga joogo 60 sano waxaana lagu aasaasay magaalada Munich waxayna heerkaan ku soo gaartay kadib macluumaadkii ay ka uruuriyeen daafaha caalamka sida waxay ugu yeeraan ladagaalanka argagaxisada,  dhaqista lacagta hubka halista badan iyo qaxootiga sharci darada waxayna dhantahay miisaaniyada sanadkasta ku baxdo 832 malyuun doolaar.

4-Nadaamka amniga federaalka Ruushka FSB.

Waxaa lagu tiriyaa kuwa aduunka ugu xoogan iyagoo ka qeyb qaato la dagaalanka waxay ugu yeeraan argagaxiso, si lamid ah ilaalinta amniga wadanka iyo xuduudaha,  sidoo kale waxay baaritaan ku sameeyaan dambiyada halista ah ee wadankaasi laga galo.

3-Sirdoonka milatariga UK ee M16.

Lama ogaanin sirdoonkaan ilaa laga soo gaaray sanadkii 1994tii waxayna doorar waaweyn ka ciyaartaa ladagaalanka aragagaxisada iyo guud ahaan amniga wadanka waxaana sanad kasta ku baxdo 2.6 bilyan oo ah lacagta giniga isterliinka.

2-Sirdoonka dhexe ee mareykanka CIA.

Mid kamid ah kuwa aduunka ugu waaweyn waxaynba juhdi badan ku bixisaa ladagaalanka waxay ugu yeeraan argagaxiso  iyadoo sidoo kalana khibrad weyn u leh la shaqeynta wakaaladaha aduunka  waxaana la aasaasay mudo haatan laga joogo 70 sano waxayse kor u sii kacday oo muhiimad gaar ah la siiyay kadib dhacdooyinkii 11dii septembar.

Wakaaladaan sanadkasta waxaa ku baxdo miisaaniyad dhan 15 bilyan oo doolar.

1-Wakaalada sirdoonka Pakistan ISI.

Waxay si geesinimo leh u qabtaan howlo adag kaliya Pakistan kuma koobna sidoo kala aduunka oo dhan ayay ka howl galaan  waxaana sanadkii 1948dii aasaasay sargaal british ah waxaana sanadkii 2011dii loo doortay wakaalada sirdoonks ugu fiican aduunka taasoo ay u dooratay  International Business Times United Kingdom.