Xaasaasi; labo gabdhooda fanaaniin masaari ah oo fadeexo bartanka kaga jiraan kadib markii laga duubay muuqaal iyagoo qaawan. sawiro.

 

Mini Faaruuq iyo Sheyma Alxaaji waa labo gabdhood oo fanaaniin masaari ah sidoo kalana aflaamta jilaan iyagoo qeyb ka qeyb galaan bandhigyada iyo showyada waxaana la sheegaa in fanka kusoo biireen 2014tii.

Dhawaan ayaa waxaa lasoo daristay fadeexo dalka masar oo dhan hareysay kadib markii lagu helay oo baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal ay labadooda qaawanyihiin isla markaasna niikinayaan waxayna ahaayeen kuwa aanan hal shey xitaa wadanin iyagoo sidii Shemaleka oo kale u dhaqmeen.

Booliska magaalada qaahira ayaa gabdhahaan oo looga shakiyay iney duubayeen muuqaalada mamnuuca ah gacantana kusoo dhigay waxayna haatan ku suganyihiin xarunta booliska ee magaaladaas.

Gabdhahaan ayaa qirteen in muuqaalkaas ay iyaga duubeen laakiin waxay eeda dusha ka saareen nin soo saare ah kaasoo lagu magacaabo Khaalid Yuusuf ahna ninkii muuqaalka ka duubay iyagoo ku dooday in uusan fanaaniinta iyo atariishooyinka wax fursad ah siinin hadii uusan sariir la wadaageynin.

Gabdhahaan oo da’yar ah ayaa muuqaalka laga duubay wuxuu u muuqday kuwa ay raali ka yihiin iyagoo haatan eedeysanayaal ah isla markaasna sugaya go’aanka maxkamada iyo xukunka lagu soo rogi doono.

muuqaalka anshax ahaan ayaan uga soo tagnay.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*