Home ARRIMAHA BULSHADA Xagee ayuu ku dambeeyaa kiiskii gabdhihii masaarida ahaa ee Minni Faaruq iyo...

Xagee ayuu ku dambeeyaa kiiskii gabdhihii masaarida ahaa ee Minni Faaruq iyo Sheyma xaaji kuwaasoo baraha bulshada lagu fadeexeeyay sidoo kalana muuqaalo qaawanaan laga soo bandhigay?




Sidaan mar sii horeysay idinkula wadaagnay waxaa jireen labo gabdhood oo masaari sidoo kalana jilayaal fanaaniin ahaa kuwaasoo muuqaal iyo sawiro iyagoo qaawan lagu faafiyay baraha bulshada kadibna xabsiga loo taxaabay waxaana lagu eedeeyay fadeexo iyo in macsida dhiiro galiyeen.

Labadaan gabdhood ayaa laga soo bandhigay muuqaal iyagoo la raaxeysanayo nin aanan wajigiisa la arkin balse la aaminsanyahay inuu yahay soo saare lagu magacaabo Khaalid Yuusuf kaasoo gabdhahaan shirqool u maleegay.

Hadaba maxkamada dambiyada magaalada qaahira ayaa gabdhahaan ku xukuntay 45 bari oo xabsi ah ama ay iska dhiibaan kafaalo 100kun oo Ginniga masaarida ah, waxaana intaas usii dheer ineysan wadanka ka bixi Karin inta kiiskooda kasoo xirmaayo sidoo kalana wax howlo fanka ah aysan qaban Karin.




Dhanka kale maxkamada ayaa amar ku bixisay in baaritaan lagu sameeyo qofka muuqaalka gabdhaha kula jiro isla markaasna maxkamada lahor keeno walow gabdhaha ay sheegeen inuu yahay soo saare Khaalid Yuusuf hase yeeshee maxkamada ayaan soo saarahaan wax eedeyn ah u jeedinin.

Sheyma alxaaji ayaa sheegtay in soo saarahaan uu khiyaanay sidoo kalana uu qaab qarsoodi ah ku guursaday sanadkii 2014tii iyadoona maxkamada hor keentay cadeyn la xiriirta waraaqaha guurkooda hase yeeshee maxkamada wali ma aysan eedeynin Khaalid Yuusuf maadaama cadeyn kiiskaas la xiriirto laga heynin balse baaritaanka uu socon doono.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...