Xanta Ugu Weyn Bollywoodka Aryan Khan Oo Filimkiisa Kowaad La Sameyn doona Gabadhan

Aryan Khan waa curadka Bollywood Kingh Khan Shah Rukh Khan kaaso dhashtay 13 Nov sanadkii 1997 sanadkaan ayuuna 21 sano jirsanaa Aryan

Bollywood King Khan  Shah Rukh Khan ayaa in badan la hadal hayey wiilka uu dhalay ee Aryan khan inuu Bollywoodka soo gali doono sido kalena kamid noqon doono jiilka dambe ee Bollywoodka hogaanka u qabtaan.

hadda waxaa soo baxaya warar xan ah oo fara badan taasi oo ku saabsan in aryan khan inuu kusoo biiri-doono aflaamta iyadoo wararka xitaa ay sheegayaan in gabadha khushi kapoor oo ah jahnvi kapoor walaasheed hal mar laysla soo caan bixin doono

waxaan xilkaas qaaday ninka aabihiisa guulaha fara badan u horseeday cid kale maahan waa director karan johar kaaso hore usoo caan bixiyay khushi kapoor walaasheeda ka weyn ee jahnvi kapoor isagoo doonaya inuu aryan iyo khushi kapoor hal filim uu ku mideeyo

laakiin shah rukh khan waxa uu hore u sheegay in aryan uusan aflaamta soo geli doonin ilaa iyo inta uu waxbarashadiisa ka dhameenaayo iyadoo la sugi doono waxa uu ka yiraahdo shah rukh khan wararkan soo baxaya