Nolosha Jilayaasha WARARKA MAANTA

Xanta Ugu Weyn Maanta: Ranbir Kapoor Oo Shah Rukh Khan Ka Badali Doona Hogaaminta Taxanaha Don Qaybtiisa Sadexaad

Shah Rukh Khan ma midaan ayaa u dambaysay maadaama aktarkan dhawaanahan uu dhiiqada madaxa la galay ka dib markii ay ka fashilmayn aflaamo sida Fann , Harry Met Sajal, Zero iyo aflaamo kale oo badan

waxaana midaas noqotay inuu lumiyay booskii iyo hogaaminta bollywoodka waxaana midaas aktarkan usii dheer inuu hadda la’san yahay shaqsi caan ah uu la shaqeeyo maadama ay badatay guul-daradiisa

sidii xaalada sidaas u ahayd maanta waxaa soo baxay war aan u fiicnayn dhagaha aktarka Shah Rukh Khan sababtoo waxaa markan lagala wareegi raba filimka kaliya uu kusoo ceshan lahaa awoodiisa waana taxanaha Don qaybtiisa sadexaad  taaso hadda hogaamiye looga dhigi rabo aktarka Ranbir Kapoor

Don waxaa taxane caan kaaso looga bartay inuh hogaamiyo Aktarka Shah Rukh Khan waxaana Director ka ah ninka lagu magacaabo Farhan Akhtar halka labadiisa qaybood atariisho kowaad ay ka ahayd Priyanka Chopra

Sida aan la socono Ranbir Kapoor ayaa goor hore waxa uu Shah Rukh Khan kala wareegay booska dooqa kowaad ee Director Karan Johar kaaso muddo badan ka dib filimkiisa hogaamiye kaga dhigay aktar aan ahayn Shah Rukh Khan waana Ranbir Kapoor kaaso hogaamiye ka ahaa filimka Ae Dil He Mushkil halka Karan Johar uu Director ka yahay

iyadoo su’aasha taagan ay tahay miyaa tan ay cadeynaysa in lasoo gaaray waqtigii uu dhici lahaa calanka Boqorka Bollywood-Ka Shah Rukh Khan kaaso fanka soo hogaaminaayay in ka badan 25 sano laakiin waxaan aktarkan u rajeenaynaa inuu sameeyo soo laabasho cajiib ah oo kor u qaada awoodda uu fanka ku leeyahay

Related posts

Rishi Kapoor Oo Sheegay In Hindiya Maanta Si Weyn Looga Jecel Yahay SRK Iyo Big B!!

Ali Aadan

Feroz Khan Oo Ciqaaabi Jiray Atarishada Bari Samaadki Zeenat Aman Markee kasoo Dib Dhacdo Filim Duubista!

Ali Aadan

Marka Nolosha Jaceylka La Joogo Kareena Kapoor Iyo Priyanka Chopra Arinkaan Ayee Ka Simanyihiin!!

Ali Aadan

Ruug cadaaga shactiroolaha ah Dinyar Contractor oo geeriyooday

Zakarie

Alia Bhatt Ilaa Ranbir Kapoor 5 Jilaa Oo Saxaafada Wajigooda Ka Qarsadeen Todobaadkan (+Sawiro)

Ali Aadan

Maxay Ahayd Sababta Ajay Devgan Uu Isaga Diiday Samaynta Doorka Arjun Filimkii Karan Arjun

Jabriil Abdikadir