Xaqiiqooyin layaab leh oo aadan horay u maqlin.(barnaamij cusub).

Kusoo dhawaada barnaamij cusub oo taxane inoo noqon doono kaasoo aan maalinkasta idiinkugu soo gudbin doono waxyaabaha ama xaqiiqooyinka layaabka leh ee aduunkaan ka jiraan kuwaas oo aad u baahantahay inaad wax badan ka ogaatid.

 

1-ma ogtahay In faraska, bakeylaha iyo mukulaalaha awoodooda maqal ay ka weyntahay awooda maqal ee insaanka waxaana intaas u sii dheer iney awoodaan in dhagahooda dhaqaajiyaan si ay u maqlaan jabaqyada kuwooda ugu hooseeyo.

2-ma ogtahay in dowlada UAE ay wadooyinkeeda ku daadisay boolis loo yaqaano booliska farxada waxayna howshooda tahay iney abaal marino iyo hadiyado siiyaan dadka ilaaliya sharciyada wadankaas u dagsan si lamid ah imaaraatka carabta ayaa leh wasaarad khaas u ah farxada howsheedana waxay tahay in mawaadiniinta dalkaasi u dhashay ka farxiyaan.

3-waa maxay Kallahid, Carraabid iyo guureyn?

Kallahid waa; socodka uu qofka ka baxo gurigiisa aroortii ilaa subaxii.

Carraabidna waa; waa socodka uu qofka ka baxao gurigiisa xiligii galabkii safar ha ahaado ama meel kalaba ha ahaado lkn inta badan safarada ayaa loo adeegsadaa.

Guureyn waxaa la yiraahdaa; socodka uu qofka gurigiisa uga tago xilli habeena.

4-waxaa la ogaaday in xayawaanka dalaafiinka (hoombaro) loo yaqaano oo ah noole caqli badan uguna caqliga badan noolayaasha biyaha ku nool in uu daraagis isticmaalo.

Arinta ayaa waxay ku dhacday kadib markii la arakay asigoo nuugayo sunta nooc kamid ah kalluunka badda ku nool kaasoo suntan jirkiisa ku jirto laga helo noocyo kamid ah daroogada.

5-daraasaad dhawaan la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in markii uu qofka insaanka fiiriyo sawirka qofka uu jecelyahay uu iloobo dhamaan walwalkii iyo kurbadii heysay hase yeeshee isla daraasadaas ayaa waxay sheegtay in markii aad ka bogatid daawashada sawirkaas aad dareemeyso murug iyo tiiraanyo hadii qofka sawirkiisa aad heysato aad kaaga fogyahay.

6-ma ogtahay in xarumaha ganacsi ee wadanka Holland u ogolaanayaan mawaadiniinta wadankaasi in waxay rabaan ka qaataan xarumahaas waase hadii qeybta lacag bixinta ka horeeyaan ugu yaraan sadax qof.

Qofka ayaa iska bixi karo lkn waa inuu maalin kale lacagtaas dib u soo celiyaa, is aaminaada mawaadiniinta reer Holland ayaa keentay in ay nadaamkaan ku tiirsanaadaan.

 

La soco qeyybta labaad ee barnaamijkaan.

Hadii aad ka heshay qodobkee ku xiiso galiyay?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*