Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Soldier ee Bobby Deol Xidig Ku Noqday

20-sano ka hor maanta oo kale waxaa la daawaday filimka hirgalay Soldier ee Super Hit-ka weyn noqday kaasi oo Bobby Deol ka caawiyay inuu xidig dhameestiran noqdo (Complete Star).

Hadaba sida aad kaga barateen shabakada Filimside waxay idiin heysaa xaqiiqooyin u gaar ah filimka Soldier oo ay Bobby Deol iyo Preity Zinta wada jileen:

Xaqiiqada 1-aad: Soldier waa filimkii ugu horeeyay ee Bobby Deol u sameeyay labada Directo Abbas Mastan kadiba saaxiib dhow ayuu la noqday wuxuuna u sameeyay filimada Ajnabee 2001, Humraaz 2002, Naqaab 2007 iyo Players 2012.

Xaqiiqada 2-aad: Soldier waxaa lagu duubay Australia gaar ahaan magalaada Sydney goobaheeda ugu qurxoon iyo gudaha Hindiya.

Xaqiiqada 3-aad: Preity Zinta ayaa abaal marinta atirishada Bollywood-ka ku cusub mideeda ugu wanaagsan ku qaadatay ee shirkada Filmfare bixiso sidoo kalena waa filimkeedii labaad.

Xaqiiqada 4-aad: Ruug cadaa Suresh Oberoi ayaa shaarbaha u xiirtay doorka laadarka filimka Soldier wuxuuna iska xiiray shaarbihii uu caanka ku ahaa.

Xaqiiqada 5-aad: Labada laadar ee caanka ah Amrish Puri iyo Gulshan Grover ayaa markii hore lala saxiixday balse wey isaga baxeen sameyntiisa marka hawshiisa bilaaban rabtay.

Xaqiiqada 6-aad: Atirishada ruug cadaaga ah Rakhee ayaa filimka Soldier ku matashay hooyo carmal ah sidoo kalena isla Director Abbas Mastan filimkoodii Baazigar sidaas ayay ku matashay.

Xaqiiqada 7-aad: Soldier wuxuu noqday Hit-ka labaad ee sanadii 1998 ugu weynaa iyo filimka sedexaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyay waxaa intaas u dheereed inuu noqday filimka labaad ee maalinta kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyay 1998 taasi oo Bobby Deol ka caawisay inuu noqdo Xidig (Star).

Xaqiiqada 8-aad: Filimka Soldier asigoo Tamil ah ayaa dib loo sameeyay sanadii 2009 waxaana loo bixiyay magaca Villu ayadoo ay wada jileen Vijay iyo Nayantara halka Prabhu Deva uu Director ka ahaa.

Xaqiiqada 9-aad: Filimka Soldier Album-ka heesihiisa wuxuu noqday Album-ka sedexaad ee loogu iibsashada badnaa sanadii 1998 kaliya waxaa ka horeeyeen Kuch Kuch Hota Hai iyo Dil Se.

Dhamaad,

Waad Ku Mahad Santahay Aqriskaaga.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.