Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimkii Ugu Horeyay SRK Shumis Xaqiiqa Shaashada Horteda Kusameyay Ee Jab Tak Hai Jaan!!

Jab Tak Hai Jaan waa mid kamid ah aflaamta jaceylka ee abid Bollywoodka sameyaan waana filimkii ugu dambeyay ee Yash Chopra Director ka noqda maadama uu dunida ka xijaabtay.

Hogaamiyaasha Filimkaan hitka weyn noqday: SRK,Katrina Kaif iyo Anushka Sharma waxaa Directorka ah Yash Chopra halka uu maalgaliye ka yahay wiilkiisa Aditya Chopra.

Fadlan Hoos Kaga Bogo Xaqiiqooyin U Gaar Ah Jab Tak Hai jaan:

Xaqiiqada 1aad: Waa Filimkii Ugu ee uu SRK shumis/baasho kula wadaago atiriisho shaashada horteda walina horey uma dhicin in SRK sidaas cad ee loowada jeedo sameyo waxaana markaan ku amray Yash Chopra oo SRK ku yiri waa lama huraan inaad sameyso shumiskaan.

Xaqiiqada 2aad: Yash Chopra markii hore wuxuu ugu talo galay in heeska ‘Jab Tak Hai Jaan’ lagu duubo Switzerland balse wuu ka geeriyooday qorshahaasna waa la iska dhaafay.

Xaqiiqada 3aad: Markii hore waxaa la rabay in duubista filimkaan la bilaawo Nov 2011 balse SRK ayaa fasax qaatay maadama uu daalana wuxun ku eed sheegtay inu kasoo shaqeyay mashaariicda  kala ah Ra.One iyo Don 2 xiligaas sidaas aawged na uu dhowr bil nasasho u baahanyahay waxaana si rasmi ah duubista filmkaan u bilaawatay jan 2012.

Xaqiiqada 4aad: Filimkaan waa filimkii uu kusoo laabtay King of Romance Yash Chopra maadama filim uu Director ka noqdo ugu dambeysay filimkii Veer-Zaara ee la daawaday sanadkii 2004 waana filimkii udambeyay ee uu sameyo halyeeygaan.

Xaqiiqada 5aad: Waa filimkii ugu horeyay e aysan ka heesin fanaanadii codka halaasiga ah lahed Lata Mangeshkar maadama Yash aflaamti uu horey usameyay oo dhan Lata heeso ku lahed ugu yaraan hal hees xitaa.

Xaqiiqada 6aad: Intii lagu guda jiray duubista filimkaan waxaa la isla dhexmaraayey inuu filimkaan yahay dib usameynta filimkii Classic da aha ee Daag (1973) kaaso yYash Chopra horey usameyay balse arinkaas waxba kama jiraan ayuu noqday reer Yash Chopra na wey iska fogeyn arinkaas.

Dhamaad…………..