Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Aarzoo Ee Jaceylka Iyo Dagaalka Wada Ah Akshay Iyo Saif Wey Dadaalen (+Video)

Aarzoo waa film jaceyl iyo dagaal isku dhex jira ah waxanaa wada jileen Madhuri Dixit, Akshay Kumar, Saif Ali Khan, Amrish Puri, Paresh Rawal, Reema Lagoo iyo kuwa kale.

Aarzoo waxaa waxaa tiyaatarada la saaray maanta oo kale 19 bisha Maarso balse nasiib xumo mashruucan waxuu noqday mid guul darestay ganacsi ahaan.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqooyiinka Filmkaan Laga Diiwaangaliyay:

Xaqiiqada 1aad: Akshay Kumar marka uu baarka wax laga cuno uu tuugada kula dagaalayo sido kalena uu gabadha ka qarinaayo waxuu dhaha waan soo laabana gudaha ayuu gala tuugadi ayuu garaaca.

Waxaa loo daaraya hees kamid ah heesihi hore ee filmadiisa kujireen, sido kale marka uu yimado Saif ayaa markiisa asna baxaayo oo tuugada soo garacaayo asna markiisa waxaa loo daara hees kamid ah heesaha filmadis ahore qaasatan heeska Ole Ole ugu dambyen labadooda ayaa halmar wada baxayaan oo soo wada garaacayan tuugada waxana loo daara heeskoda caanka ahaaa Mian Khiladi To Anari.

Xaqiiqada 2aad: Qeyb kamid ah filmkaan waxaa lagu duubay wadamada kala ah British, Canada, Columbia,Whistler.

Xaqiiqada 3aad: Filmkaan waxaa la sameynaayey mudo 4 sano ah oo ay howshiisa qaadatay iyo isdaba jiid badan ayadoo marna la joojinaayey duubista marna la wadaayey.

Xaqiiqada 4aad: Waa filmka kaliya ee ay kasoo wada muuqden Saif Ali khan iyo Madhuri Dixit walina mashruuc kale ma aysan wada sameynin.

 Xaqiiqada 5aad: Waa Filmka labaad ee ay wada sameyeen Akshay Kumar iyo Madhuri maadama kii kowaad ahaa Dil To Pagal Hai balse Akki filmkaas muuqaal marti ah ayuu ku lahaa.

Xaqiiqada 6aad: Filmakan Aarzoo waxaa markii hore loogu talo galay inuu Director ka noqdo David Dhawan balse ma dhicin midaa oo waxaa calaf u yeeshtay inuu Director ka noqdo Lawrence D’Souza.

Xaqiiqada 7aad: Heesaha filmkaan waxay noqdeen kuwa hirgalay oo in badan laga daba dhacay aadna loo jecelyahay ilaa waqtigan.

Halkaan Hoose Ka Daawo Aarzoo Heesaha Ugu Caansan:

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

 

Dhamaad….