Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Judaai Ee 22 Sano Jirsaday Haweeyney Seygeeda Iibsaneysay Filmkan Ayaa Lagu Arkay!

 

Judaai waa mashruuc hirgalay aadna loo wada jeclaaday waxaana hogaamiyaal ka ahayen Sridevi, Anil Kapoor iyo urmila Matondkar.

Ayadoo la daawaday maanta oo kale 28 Feb sanadkii 1997 waxuuna si rasmi ah u jirsaday maanta 21 sano dhanka Box-officekana Super Hit weyn ayuu ka noqday.

Hadaba Nala Akhriso Xaqiiqada Filmkaan Laga Diiwan Galiyay:

Xaqiiqada 1aad: Juhi Chawla Iyo Karisma Kapoor ayaa xiliyo kala duwan loo bandhigay doorki Urmila balse wey iska diiden atirishooyinkas waxaana marki dambe saxiixatay Urmila doorkas.

Xaqiiqada 2aad: Waa markii ugu dambeysay ee Sridevi iyo Anil Kapoor wada shaqeyaan ama film wada jilaan ayagoo horey filmo badan u sameyeen.

Xaqiiqada 3aad: Waa filmka kaliya ee Urmila, Anil iyo Sridevi abid isla sameyeen.

Xaqiiqada 4aad: Filmkaan maanta oo kale ayaa la daawaday maantana waa maalinti Sridevi meydkeeda la gubaayey taariikhda India iyo saxaafadana maanta oo kale wax badan aye xusi doonan.

Xaqiiqada 5aad: Poonam Dhillon iyo Sridevi filmo dhowr ah aye wada sameyeen oo ay atirishooyin ka yihiin balse Judaai Poonam door caawiye ah aye ku jilee ayadoo mataleyso Sridevi saaxibteda.

Xaqiiqada 6aad: Doorka Paresha Rawal ee uu dadka suaalaha ku wareerinaayo waxuu noqday door caan ah oo xidigaan 90kii hadal heysi looga dhigan jiray inaba caadi ma ahan Paresh sida uu doorkisa u jilay.

Xaqiiqada 7aad: Heeska Judaai Judaai waxay noqotay hees hirgashay oo aad loo jecladay qaasatan qeybta calaacalka ama loo garanaayo (Sad Version).

Xaqiiqada 8aad: Anil Kapoor filmkaan ma sameyn lahen waxuuna u sameyay aabihis Surinder Kapoor ayaa ka codsaday inuu sameyo maadama Surinder qarash gareye ka ahaa mashruucan.

Sido kale Anil waxuu hada kahor wareysi ku sheegay in uusan marnaba mashruucan sameyn lahen hadii uu qofkale qarash gareye ka ahaan lahaa sababto ah ayuu yiri xidigaan maba ahan door ku haboon doorka filmka laga siiyay waayo atirishada (Sridevi) doorkeda aya inbadan sareyay waana door bahdil ah ayuu yiri xidigaan haweyney seygeeda iibsaneysa.

Dhamaad…..