Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Sridevi Ku Kaabeysay Laadla Wax Badan Ka Baro Oo Aadan Ka Aqoon!!

Laadla waa mashruu u gaar ah Bollywood Super Star Sridevi oo aan maanta dunida ku nooleyn waxayna geeriyootay sanad kahor halka maanta filmkeda Laadla sanad guuradiisa tahay.

Waxaa wada jileen Sridevi, Anil Kapoor, Anupam kher, Shakti Kapoor iyo kuwa kale waana film Big Hit noqday sanadkii 1994, hadaba waxan idiin heynaa xaqiiqooyin u gaar ah mashruucan.

Halkaan Hoose Kaga Bog Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filmka Laadla:

Xaqiiqada 1aad: Divya Bharti ayaa filmkaan hogaamiye ka ahed ayadoo doorka Sridevi loogu talo galay balse xidigtii la wada jeclaa wey ka geeriyootay mashruucan ayado duubistiisa qabyo tahay waxaana lagu bedelay Sridevi ilaa hadana waxaa la helaa muuqaaladi Divya filmkaan ka duubtay.

Xaqiiqada 2aad: Filmkaan howl badan ayaa laga qabtay maadama atirishada Divya Bharti 80% filmkaan ay duubtay waxaana qasab noqotay in howsha dib loo soo bilaawo oo ay Sridevi min bilaw ilaa dhamaad duubto maadama Divya geeriyootay.

Xaqiiqada 3aad: Filmsameye Ramesh Sippy ayaa film uu diyaarsaday ugu magac daray Laadla waxuuna hogaamiye kaga dhigay Amitabh Bachchan balse filmkaan meel ayaa la iska dhigay dib udhac ayaana ku yimid waxana magaca Laadla loo bixiyay markii dambe Anil Kapoor iyo Sridevi filmkooda.

Xaqiiqada 4aad:Atirishadi Nagma ayaa markii hore loo bandhigay inee filmkaan atirisho ka noqoto maadama Originalka filmkaan ee koonfurta ahaa ay ayada atirisho ka noqotay balse Nagma wey iska diiday mashruucan maadama y xiligaas goaansatay inee iska joojiso jilista aflaamta Bollywoodka.

Xaqiiqada 5aad: Rugcadaa Paresh Rawal doorkii uu filmkaan ku jilaayey kuma qanacsanen maadama uu liidaayey ama uu u arkaayey door iska yar waxuuna ku fikiray inuu isaga baxo mashruucan xili howsha kala bar mareysay balse balanka sidaas ma ahen waxuuna ilaaliyay xeerka shaqada isagoo ku qanacsanena wuu duubay filmka.

Xaqiiqada 6aad: Waa filmkii lixaad ee ay wada sameyaan Anil Kapoor Iyo Sridevi maadama Laadla kahor ay wada sameyeen 5 film kale.

Xaqiiqada 7aad: Dhimashada Divya kadib waxaa la qorsheyay in filmkaan loo dhibo inee hogaamiyaan atirishooyinka kala ah Vijayashanti iyo Pooja Bhatt balse qorshahas mid hagaaga ma noqon.

Dhamaad…

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…