Xaqiiqooyin U Gaar Ah Saif Ali Khan Iyo Akshaye Khanna Filmkooda Race Maanta Oo Kale La Daawaday!

Filmkaan waxaa wada jileen Saif Ali Khan, Akshaye Khanna, Katrina Kaif, Bipasha Basu, Anil Kapoor iyo kuwa kale waana film Hit weyn noqday.

Waxaan soo aruurinay xaqiiqada filmkaan laga diiwan galiyay fadlan halkaan hoose kaga bogo:

Xaqiiqada 1aad: Fardeen Khan ayaa loo bandhigay inuu sameyo doorka Rajeev Singh balse waxuu xiligaas duubayey filmkiisa Heyy Babyy sida awegd wuu iska diiday doorkas oo mashquul ayuu ahaa waxaaan doorkas sameyay markii dambe Akshaye Khanna.

Xaqiiqada 2aad: Priyanka Chopra ayaa loo bandhigay doorka Sophia inee filmkaan ku jisho balse wey iska diiday xidigtaan sababta ay u diidayna waxay ahed doorkas waxuu ahaa door xumaan ah Priyankana waxii Aitraaz kadambeyay door xumaan ah wey iska diidi jirtay waxaana doorkas jishay Katrina Kaif.

Xaqiiqada 3aad: Ajay Devgan ayaa asna loo bandhigay doorka Robert D’costa waana doorka Anil filmka ku jilay Ajay sheekada filmka aad ayuu oga helay balse wuu iska diiday maadama uusan xiligaas xiiso uqabin inuu sameyo film Action ah.

Xaqiiqada 4aad: John Abraham ayaa dhankiisa loo bandhigay inuu sameyo doorka xumaanta ah ee Akshaye Khanna filmkaan ku jilay balse John wuu iska diiday inuu laadar filmka ka noqdo hase ahaate waxaa dhacday sanadkii 2013 markii qeybta labaad ee filmka loo bandhigay John inuu ogolaaday doorka xumaanta ah.

Xaqiiqada 5aad: Akshay Kumar ayaa dhankiisa doorka Anil Kapoor filmkaan loo bandhigay balse wuu iska diiday maadama uusan rabin inuu atoore labaad noqdo isagoo Super Star ah.

Xaqiiqada 6aad: Shah Rukh Khan ayaa loo bandhigay inuu filmkaan sameyo waliba doorka Saif Ali Khan ayaa loo bandhigay balse wuu iska diiday maadama uu waqtigaas ku dhow uu Don oo Action ah sameyay sidaa awged Action oo dhan ayuu ku caajisayey inuu sameyo xiligaas asigoo fariimo kale raadsanaayey.

Xaqiiqada 7aad: Vivek Oberoi waxuu kamid ahaa atoorayaasha loo bandhigay doorka Akshaye Khanna ee laadarnimada ah balse Vivek wuu iska diiday waxaana doorkas calfaday Akshaye Khanna.

Xaqiiqada 8aad: Bobby Deol ayaa loo bandhigay doorka laadarnimo ee filmkaan inuu sameyo kadib markii ay iska diiden Fardeen Khan iyo Vivek Oberoi sido kale asna wuu iska diiday.

Xaqiiqada 9aad: Katrina Kaif filmkaan codkeeda kuma hadleeso ee waa loo codeyay oo qofkale ayaa u hadlaayey marka filmka la daawanaayo.

Xaqiiqada 10aad: Akshaye Khanna iyo Saif Ali Khan oo filmkaan ku xifaaltamayaan waxay hada kahor isla sameyeen filmka Dil Chahta Hai.

Dhamaad….

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…