Xaqiiqooyin U Gaar Ah Super Star Govinda Filmkiisa Aankhen Ee All Time Blockbuster-ka Noqday!!

Filimka  Aankhen  waa  filim  dagaal  shactiro  iyo  jaceyl  isku  jiro  waxaana  wada  jileen  Super Star Govinda,  Chunky Pandey,  Kader Khan,  Shilpa Shirodkar,  Raageshwari Loomba  Iyo Ritu ShivPuri.

Filimka Aankhen waa filim amaan weyn uu ku helay Govinda sidoo kale waa filimka ugu weyn sidoo kale filimkiisa ugu weyn sidoo kalena waxaa amaan weyn ku helay filimka Chunky Pandey.

Fadlan hoos kaga bogo xaqiiqooyin u gaar ah filimka Aankhen.

Xaqiiqada 1-aad:  Aankhen waa filimka ugu weynaa 1993 ee lacagaha ugu badan soo xareeyay sidoo kale waa filimka ugu weyn Govinda waliba oo All Time Blockbuster weyn ah.

Xaqiiqada 2-aad:  Heesta Lal Duppate ee ku jirtay filimka Aankhen waxay waqtigaas noqatay hees Hit oo si weyn looga helo.

Xaqiiqada 3-aad:  Jilaayaasha Kadar Khan,Govinda Iyo Raj Babbar waxay filimka ku jilaayeen labo wiji

Xaqiiqada 4-aad:  filimkaan waxaa lagu soo caan bixiyay Ritu Shivppuri,  oo aabo u ah Om Shivpuri oo soomalida u taqaano faruurey

Xaqiiqada 5-aad:  heesta Bade Kaam Ka Bandhar ee ku jirto filimka daanyeerka wuxuu kusoo bandhigay inuu jilaayaasha filimka la falgali karo asigoo hori sidaas ula sameeyay Jeetendra, Dharmendra iyo Rajendra Kumar.

Xaqiiqada 6-aad:  Govinda Iyo Chunkey Pandey mar walbo isku labis ayay xiranaayeen filimka sidoo kale daanyeerka filimka kula jiray asigana labiskooda oo kale ayaa loo xiraayay si uu filimka xiiso u yeesho.

Xaqiiqada 7-aad:  Filimka Aankhen  wuxuuu 1994 u tartamay 4 Filmfare Awards sidoo kale Govinda sanadkaan waxaa abaal marinta best actor ka qaatay SRK Baazigar.

Xaqiiqada 8-aad:  Filimka  Aankhen  sheekadiisa  waxaa laga  soo min  guuriyay  filimka Tamil-ka ah ee  Anubavi Raja Anubavi oo  la  daawaday  1967  waxaana  filimkaan  hori  loogu  sameeyay  4 filim  oo  kala  Do Phool (1973) Hindi ,  Kittu Puttu (1977) Kannada,  Pokiri Raja (1995) Telugu.

Xaqiiqada 9-aad:  Juhi Chawla waxaa loo soo bandhigay doorka Shilpa Shirodkar weyna isku diiday maadaama doorkaas aad u yaraa sidoo kalena dhax dhax filimka kasoo galeyso.

Xaqiiqada 10-aad:  Divya Bharti waxaa lasoo bandhigay in filimka jaceyl la wadaagto Chunky Pandey laakiin wey isk diiday ayadoo dooneysay inay jaceyl la wadaagto Govinda.

Xaqiiqada 11-aad:  Pahlaj Nihalani iy Goovinda ayaa isku dhaceen marka filimka uu guul weyn gaaray maadaama Govinda uu qof walbo u sheegay in filimkaan awoodiisa guul weyn ku gaarsiiyay.

Fadlan hoos ka daawo heesta O Lal Dupatte Wali Oo Waqtigaas Hit Noqatay

Sidoo kale hoos ka daawo heesta Bade Kaam Ka Bandhar ee danyeerka sida wacan ula jilaayo Govinda Iyo Chunky Pandet

Dhamaad

Waadku Mahadsan tahay Aqriskaaga