Xasuus Horre: Shahid Kapoor iyo Ayesha Takia marka ay ayagoo dhalin yar xayeysiin isla sameeyeen kadibna isla shaqeeyeen (+Video)

Shahid Kapoor iyo Ayesha Takia waxay ka mid yihiin jilaayaasha caanka ee Bollywood-ka soo galeen bilawgii qarnigaan sidoo kalena filimo kala duwan isla sameeyaan.

Balse Shasha iyo Ayesha shaqadooda waxay bilaabatay ayagoo aad u dhalin yar xili ay xayeysiin isla sameeyeen taasi oo sababtay inay noqdaan kuwo la jeclaado ayagoo dhalin yar.

Kadib waxaa u suura gashay Shahid iyo Ayesha Takia inay Bollywood-ka soo galaan sidoo kalena aflaan caan ah isla sameeyeen inta badana is fahan dheeraad ah ayay shaashada ka muujin jireen.

Shahid iyo Ayesha Takia filimkoodii ugu horeeyay wuxuu ahaa Dil Maange More oo sanadii 2004 soo baxay kadibna waxaa u xigay inay doorar dhameestiran ku wada yeesheen filimada Fool N Final (2007) iyo Paathshaala (2010).

Waxaa kaloo xusid mudan in Shahid Kapoor uu saaxiibtiis dhanka shaqada isku fahmeen Ayesha Takia ka yeelay codsi ah inuu muuqaal marti ah ku yeesho filimkii Ayesha hogaamiye ka ahayd Kya Love Story Hal (2007) oo ay Tusshar Kapoor la sameesay.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*