Xayawaanada sida insaanka ma is furan (warbiin cajiib ah).

 

Aduunkaankaan aan ku noolnahay  waxaa ka buuxaan xayawaano tiro badan kuwaasoo balaayiin  qoysas ah waxaana maalin kasta la daraaseeyaa xaaladahooda si wax badan looga ogaado.

 

Waxaa jirto daraasaad badan oo la diyaariyay kuwaasoo ku saabsan nolosha xayawaanaadka, waxaana warbixintaan kusoo qaadan doonaa xaalad ka dhacday wadanka Denmark taasoo muujineyso in qaar kamid ah xayawaanada is furaan sida insaanka oo kale.

Warbixinta aan maqaalkaan uga hadli doono waxay ka dhacday beer xayawaanada lagu xanaaneeyo taasoo ku taalo caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen kadib markii baaritaan lagu sameeyay xayawaanka loo yaqaano Oorso ama Madax kuti (Polar bear) eeg sawirka (waa xayawaan badankiisa yurub iyo ameeriko ku nool siiba dhulalka qabow.)

Xayawaankaan ayaa mid lab ah iyo mid dhadig ah la isku keenay sanadkii 2007dii iyadoo midka labka ah laga keenay magaalada Moscow ee caasimada wadanka Ruushka  tan iyo waqtigaasna sidii lamaane xaas ah ayay iskula noolaayeen.

Hase yeeshee dhawaan ayaa waxaa dhacday in la arkay falal layaableh taasoo midka labka ahi ku kacayay asigoo inta badana ka fogaanayay mid dhadiga ah xitaa raali kama uusan aheyn in hal meel kuwada noolaadaan waxaana la sheegay in mudo ah ineysan isku soo dhawaanin si kasta oo la sameeyana waa lagu guuleysan waayay.

Ugu dambeyn beerta ayaa loo kalabadalay iyadoo midkasta uu jawiga cusub la jaanqaaday sidoo kalana xayawaanadii cusbaa xiriir la yeeshay taasooay culimada noolaha ku tilmaameen in ay xiriirka isku jareen ama hadii si kale loo dhaho ay is fureen.