Xidiga Caan Ah Kuwaaso Kuwaaso Si Weyn Ugu Guuleystayn Dhanka Iyo Tv-Yada Laakiin Si Weyn Ugu Fashilmayn Bollywoodka

bollywoodla waa goob qaas ah kaaso uu qof walba ku riyoodo inuu mar uun kusoo biiro si uu u rumeeyo hamigiisa iyo horumarkiisa taaso aan ukala soocnayn qof markass kusoo biiraya inuu ka tirsan yahay qoys fan magac ku leh ama inuu yahay shaqsi ku kalsoon tayadiisa aktarnimo

waxaana mararka qaar dhacda in aktar lagu bartay dhanka iyo tv-yada kuwaaso halkaas caan ka ah markii ay damceen inay kusoo biiraan bollywoodka iyo fashilka qabsaday waana dhacdo naadir in badanaa aktaradaas ay ku fashilmaan bollywoodka

1. gurmeet choudhary

ninkan xitaa soomaalida u taqaano magaca maan ayaa waxa uu caan ka noqday tv-yada musalsalkii ugu horeeyay ee uu kasoo muuqdo waxa uu ahaa yeh meri life hai kaaso la daawaday sanadkii 2004

ka dib waxa uu kusoo muuqday musalsal lagu magacaabo ramayan sanadkii 2008 weliba wuxuu si weyn ugu soo caan baxay doorkiisa musalsalkaas ee lord ram ka dib waxa uu sameeyay musalsalo badan sida waxaaan uu magaciisa cirka galay

ka dib markuu sameeyay musalsalkii caan ka ahaa ee geet weliba doorkiisa caan ka ee maan singh geet waxa uu socday 2010 ilaa iyo 2011 ka dib aktarkan waxa uu tijaabiyay inuu aado dhanka iyo bollywoodka filimkii ugu horeesay ee kasoo muuqdo waxa uu ahaa filimka koi aap sa

kaaso uu kulahaa door yar filimkaas waxa uu noqday disaster sidoo kale waxa uu sanadkii 2015 la yimid filim lagu magacaabo khamoshiyan kaaso noqday flop isagoo aflaamtiisa ugu dambeeyay ee kala  wajahtum iyo paltan waxa ay noqdayn flop

2. jay bhanushali

aktarkan doorkiisa ugu wanaagsanaa ee dhinac musalsalada ka baxa Tv-Yada waa doorkii neev ee musalsalkii caan ka ahaa ew khayamat ama baraaji jay

waxa uu bollywoodka kusoo galay filim lagu magacaabo platform no.6 sanadkii 2013 waxaana usii xigayn aflaamta kala ah hate story 2 iyo ek paheli leela laakiin aflaamtaas gabi-ahaanba way ku fashilmayn boxx office ka waxaana aktarkan lagu qasbay inuu dib ugu laabto musalsalada uu samayn jiray

3. karan singh grover

karan sing waxa uu dhanka iyo tv-yada kusoo biiray sanadkii 2004 isagoo qayb ka ahaa musalsal lagu magacaabo kitni mast hai zindagi ka dib waxa uu sameeyay dhawr musasalaad kale oo ay ka mid yihiin parrivaar, dill mill gayye, teri love stories qubool hai iyo musalalo kale oo badan

ka dib waxauu tijaabiyay nasiibkiisa ku aadan dhanka iyo bollywoodka isagoo kasoo muuqday 4 laakiin aflaamta uu doorar wacan ku leeyahay waxaa ka mid ah sida filimka hate story 3 kaaso noqday hit iyo filimka alone kaaso noqday flop ilaa hadda aktarkan waxa uu la’yahay saxiixyo aflaam ah