Home Nolosha Jilayaasha Xiriirkii jaceyl ee dhex maray Burak Deniz iyo Busra Develi halka uu...

Xiriirkii jaceyl ee dhex maray Burak Deniz iyo Busra Develi halka uu kasoo bilowday sidey ku kala tageen iyo sababtii kala tagooda keentay, maxaase ka jira in Burak Khiyaanay Busra?

Burak Deniz wuxuu caan ku yahay magaca Murad kaasoo uu ku jilay musalsalkii ugu horeeyay ee uu hogaamiye ka yahay ee Ask Laftan Anlamaz waxaana la sheegaa inuu inta badan yahay shakhsi aamus badan oo aan noloshiisa gaarka ah ka hadlin.

Burak wuxuu xiriir jaceyl la sameeyay atariishada reer Turki ee Busra Develi taasoo ay isku barteen musalsalka Tatli Kucuk Yalancilar wuxuuna taxanahaan soo baxay 2015tii iyadoo xiriirka Burak iyo Busra uu socday intii u dhaxeysay 2015tii ilaa 2018dii wuxuna si rasmi ah usoo afjarmay July 2018dii.

Burak iyo Busra mudadii ay xiriirka lahaayeen waxaa jireen dhowr mar ay isku dhaceen xitaa waxaa Burak lagu xaman jiray inuu xiriir jaceyl kala dhaxeeyo atariishada taxanaha Jaceyl hadal ma fahmo ee Ask Laftan Anlamaz Hande Arcel hase yeeshee dhamaan wararkaasi wey beenoobeen.

Sanadkii hore bartamihiisa ayaa waxaa soo baxday in Burak khiyaanay Busra waxaana warkaasi si waali ah wax uga qoray saxaafada turkida balse ugu dambeyn waxaa warkaasi beeniyay Burak Deniz qudhiisa markii uu sheegay in wararkaasi waxba kama jiraan yihiin sidoo kalana been abuur yihiin.

Hase yeeshee waxaa dhacday lama filaan iyo fajac markii Busra Develi ay barteeda Instagramka kusoo qortay in hadalka Burak waxba kama jiraan yihiin isla markaasna uu saxyahay war sheegayo inuu xiriirkooda dhamaaday.

Sheekada intaas kuma ekaanine saxaafada ayaa sii buun buunisay iyagoo waliba sheegay in sababta rasmiga ee ka dambeysay in Busra xiriirka u jarto Burak ay tahay kadib markii uu khayaanay isla markaasna la khiyaanay gabadha la yiraahdo Nesrin Javadzadeh oo kamid ah atariishooyinka haatan wax kajilaya Musalsalka Bizim Hikaye oo uu Burak Aktar kayahay wuxuuna warkaan suuqa ku jiray mudo maalmo ah.

Balse waxaa markale hadashay Busra Develi waxayna sheegtay in Burak wax khiyaano ah ku sameynin waxayna tiri; “in maalmo ahba waxaan si layaab leh u akhrinayay wararkiina khiyaaliga ah kaasoo xiriirkeyga la xiriiro, waxaadse ogaataan in dhamaanshaha xiriirkeyga uusan sabab u aheyn maseer iyo khiyaano midna, balse xiriirkii aniga iyo Burak naga dhaxeeyay mudo sadax sano wuxuu ku dhamaaday si aan labadeenaba raali kanahay walina waxaan aniga iyo asiga isku heynaa xushmad iyo ixtiraam”.

Burak haatan waxaa u socdo Musalsalka Bizim Hikaye oo uu hogaamiye ka yahay qeybtiisii labaad waxayna wararka sheegayaan in bisha soo socoto ee May uu dhamaan doono gabi ahaantiisba islan markaasna uusan laheyn qeyb sadaxaad.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...