Xiriirkii Jaceyl Ee Hada Kahor Dhexmaray Sonakshi Sinha Aabahed Shatrughan Sinha Iyo Reena Roy

 

Shatrughan Sinah iyo Reena Roy waxay kamid ahaayen xidigihii bari samaadkii caanka ahaa sido kalena shaashada soo wadaagen lakin kaliya shaashada jaceyl kuma aysan wadaagine nolosha dhabta ahna jaceyl aye ku wadaagen xidigahan.

Waxay ahaayeen lamaane shidan oo Bollywood-ka iska dhex doorteen dhamaadkii 70-kii sidoo kalena aad loo hadal heyn jiray xiligoodii xiriirka ka dhaxeeyay.

Balse Shatrughan Sinha ayaa niyada ka jebiyay Reena Roy madaama uu ka raacay atirishada Poonam Singh oo uu guursaday sanadii 1980.

Laakiin Reena Roy waxay ahayd qof aad ugu nugul Shatrughan Sinha waxayna lasii waday xariir qarsoodi ah asigii xaasle ah ilaa markii dambe arinkoodii laga dhigo mid fadeexo ah oo ay Bollywood-ka ku sheekeestaan.

Image result for Shatrughan Sinha and Reena Roy:

Waxaa cajiib ah Shatrughan Sinha curadiisa Sonakshi Sinha oo atirisho ah maanta inay siweyn muuqaal ahaan ugu eg tahay Reena Roy-dii uu jaceylka ku abuuray meel cidlo ahna kaga tagay.

Shatrughan Sinha asigoo haatan masuul dowladeed sidoo kalena xil dhibaan ah buugiisa la magab baxay ‘Anything But Khamosh: The Shatrughan Sinha Biography,’ wuxuu shaaca kaga qaaday in Reena Roy uu xariir hoose la wadi jiray xitaa markii uu guursaday ama xaasle uu ahaa!