Yaa Ila Taliya: Aktarka Shah Rukh Khan Oo Ku Wareersan Inuu Samyanta Filimada Ama Musalsalada Online

Shah Rukh Khan ayaa waxa uu dhexda ka galay waqti mugdi ah kaaso xitaa qofma uusan rumaysan karin ka dib fashilkii xooganaa ee ku yimid filimkiisa Zero wana dhacdo dhibaato ku noqatay aktarkan

waxaana aktarkan uu bilaabay shaki fara badan markii loosoo bandhigo mashruucyo cusub isagoo dhawaan iska diiday samaynta aflaamo waa weyn oo looso bandhigay sida filimka Saare Jahan Se Acchcha kaaso uu isaga baxay

hadda Shah Rukh Khan ayaa waxa uu ku wareersan yahay inuu kala doorto labo go’aan kuwaaso halis gelin kara waayihiisa aktarnimo ama ay noqon doonto mid kor u qaada awoodiisa aktarnimo waana labo go’aan kaaso hadda uu kala dooran la’yahay aktarkan

Shah Rukh Khan ayaa waxa uu dhawaan lasoo xariirtay shirkada Netflix iyadoo u diyaarisay mashruuc weyn kaaso xitaa uu ka noqon doono qarash-gareeyaasha si uu ugu sameeyo sadex mashruuc oo waa weyn

sidoo kale Aktatkan waxa uu codsiyaal fara badan ka helaya qaar ka mid filim soo saarayaasha ugu caansan gudaha bollywoodka iyadoo aktarkan u sheegayn inay u hayaan aflaamo waa weyn kuwaaso dib ugu soo celin karaan awoodiisa dhanka shaashada

inkastoo aktarkan weli uusan qaadanin go’aan laakiin Su’aasha taagan ayaa waxa ay tahay miyuu Shah Rukh Khan isaga tagi doona meeshii uu awoodda ku yeeshay ee Boxx Oficce isagoo u weecan doona samaynta musalsalada Online ka ah?