Yaabkii aduunka; naag hindi ah oo adeegsatay Minida wiilkeeda dhintay si ay ayeeyo u noqoto.

 

Aduunkaan intaad ku nooshay waxkasta oo kaa yaabiyo waad arkeysaa waana sababta ay soomaalida u dhahday nin aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban hadaba nala akhriso dhacadadaan layaabka leh;

 

Naag macalimad ah oo u dhalatay wadanka India ayaa adeegsatay isla markaasna ilmo u badashay minidii wiilkeeda oo geeriyooday mudo haatan laga joogo 3 sano.

Dhacdadaan oo dhacday sanadkii hore ayaa sida ay BBC sheegtay haweeneydaa ayaan wiilkeeda u dirtay wadanka Germany si uu wax uga soo barto hase yeeshee baaritaano lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in uu maskaxda uga yaalo barar aad u weyn kaasoo ugu dambeyn sababay inuu u geeriyoodo sanadkii 2016dii.

Markii haweeneyda wiilka dhashay loo sheegay geerida wiilkeeda ayaa waxay go’aansatay iney u minidiisa oo ku keydsaneyd xaruuntii baaritaanka u badasho ilmo iyadoo adeegsatay haweeney si ay ilmaha uurkeeda ugu qaado waxaana loo dhalay wiil iyo gabar mataano ah.

Haweeneyda ayaa sheegtay iney aad ugu faraxsantahay in ay ayeeyo noqoto isla markaasna ay aragto ubadkii wiilkeeda iyadoo intaas ku dartay in markastoo ay ubadkaas aragto dareemeyso in wiilkeeda ka ag dhawyahay.

Dhacdaadaan ayaa kamid ah dhacdooyinka ugu yaabka badan ee aduunkaan ka dhacay.