Yaadilay Atariishada Weyn Ee Divya Bharti Sideese Udhimatay Xidigaha Ugu Caansan Ay Laso Shaqeysay Iyo Aqbaar Kale!!

 

Divya Bharti waxay dhalatay taariikhda markee aheyd 25 Febraayo sanadii 1975, xidigtaan waxay filimada kusoo biirtay sanadkii 1990 ayado 16 jir aheyd xiligaas.

filimkeedi ugu horeyay wuxuu ahaa filim koonfir hindiya ah qaasatan Telugu waxaa ladhaha Bobbli Raja.

intaa kadib Divya waxay sameysay aflaan badan oo Telugu ah waxay markii dambe usoo jeedsatay sameynta aflaanta Bollywoodka ah waxayn latimid filimkii hit ka weyn noqday ee Viswatma kaaso ay hogaaminayen Sunny deol, Naseeruddin Shah iyo waliba Chunkey Pandey waxaana la daawaday sanadkii 1992.

intaa kadib Divya guushedi ayaa badatay waxayna aheed xidig aad uqurux badan qaab jiliin cajiib ahna laheed waxay lasoo shaqeysay xidigaha kala ah Rishi Kapoor , Shahrukh Khan, Govinda Sanjay Dutt Sunny Deol Sunil Shetty iyo kuwa kaloo badan.

xidigtaani waxay isguursadeen filimsameye Sajin Nadiadwala ayadoo markaas diinta islaamka qaadatay maadama Sajid muslim ahaay waxayna isguursaden 10 May 1992 waxayna geeriyootay 5 April 1993.

intaa kadib Dhimashadii ayaa laiskula dhexmaray inee shil aheyd iyo in ladilay SRK ayaa kamid ahaa xidigaha aadka ubaadi goobay balse wax cadeyn ah waayey waayo SRK taageero buuxdo ayuu u haa xidigtaani waagas wuxuuna jeclaa aflaanta inuu ayada lasameeyo aadbu uga xumaaday geerida kutimid gabadhani.

waxaa lashegay habeenkii dunida ugu dambeysay maalinkeedi inee katimid Chennai ayado shaqo filim katimid sido kalena rabtay inee aado Hyderabad mashruuc kale aawgis.

hadaba Divya habeenkas waxay la kulantay Fashion-Designer lagu magacaabo Neeta Lulla oo waliba ninkeeda lajira intaa kadib guriga Divya ayaa inbadan waqtiga lagu qaatay sedexdooda ayago halkaas kuwada cabitaan cabay.

intaa dabadeed Divya waxay aaday dhanka iyo daaqadeeda howl ay kalaheed awgeed Neeta iyo ninkeedana waxay daawanayen Tvga cabaar kadib waxaa lashegay Divya sidee ufadhiday daaqada in ay sitiri bal kor ukac taaso kaliftay in culeeskeda ka tanbato halkaasna ay kasoo dhacdo dabaqii ayadoo dhulka kuso dhacday.

waxaa loola orday Hospital degdeg balse nasiib xumo quruxleydan markii lageyay isbitaalki aye dunida macsalaamesay oo naftiiba kabaxday.

inta badan dalka india waxaa laisla dhexmaray waqtigaas dilkeeda inee kadambeyen sedex qof midkood ( Sanjay Dutt, Hema Malini iyo waliba  Sridevi) ayagoo hormarka gabadhani diidana, balse waxaaso dhan wey beenowen ilaa hadana dhimashada Divya wax xaqiiq cad ah waalo wayey waxaana kiiskeda laxiray daba yaaqadi 90kii maadama Policeka kudaalen raadinta cadeyn shegesa dilkeeda balse arinta ugu badan iyo qaabka ugu dhow ee dhimashadeda shegeysa ay tahay sida aan kor kusoo xusnay.

waxay aheyd atariisho howl kar ah inta badan aflaanta doorarka atooraha wey la qeybsan jirtay maadama ay jiliinkeda fiicna quruxley laga daba dhacay oo xiligeedi dhamaan dadka qalbiga kawada xaday aye aheyd.

2 Comments

  1. Asc kooxda filimside waxaan idinka codsanayaa inaad soo qortaan filimkadii hore ee bollywoodka sida dilip Kumar
    Waa codsi inan waxaan ahay macmiil idinku xidhan Mar weliba

Comments are closed.