Zareen Khan” Riyadeyda Waxay Ii Rumowday Markaan Salman Khan La Sameyay Filmkeyga Kowaad”

 

Zareen Khan waa mid kamid ah atirishooyinka Bollywoodka katirsan ee waqtigaan ka howl galaan waliba aflaamta dareenka u badan ayee sameeysa xidigtaan soo jiidashada badan.

Zareen Khan filmkeda kowaad ee Bollywoodka waxuu ahaa filmka Veer ee uu hogaamiye ka ahaa Salman Khan kaasona la daawaday sanadkii 2010.

Inkastoo filmkaan ganacsi ahaan guul darestay oo Below Average noqday hadana Zareen Khan waxaa riyo u rumowday ah in filmkeda kowaad ay la sameysay xidigaan ay xushmada weyn u heyso.

Waxay tiri iyadoo wargeyska IANS, “waa riyo ii rumowday in filmkeyga kowaad uu atoore ka aha Salman Khan sababto ah waligey waxaan jeclaa inaan film la sameyo, waa shaqsi aad u fiican saaxib dhow na aan la ahay.”

“Marnaba isma lahen riyadada si dhaqsi ah ayee kuugu rumowe balse wax walbo waxaa ii rumeyay Salman maanta haduusan isaga ahaan laheena atirisho ma noqdeen.”