Zero Oo Dhulka Galay Iyo KGF Oo Is Celiyay Ganacsi Ahaan Qeybta Af Hindi-ga!!

Bollywood King Khan filmkiisa Zero ayaa hoos udhaciisa iska sii wato iyo ganacsiga liita ee uu sameeynaayo waxuunta todobaadkiisa labaad keeni doona ganacsigiisa gudaha India 5.75 Crore waxaana ugu wacan fasaxa sanadka cusub hadi aysan aheena 5 Crore xitaa ma gaareen todobaadkiisa labaad marka uu dhameesto.

Wey adagtahay mashruucan todobaadkiisa sedexaad inuu ganacsi sameeyo waxayna u badantahay inuusan tiyaatarada sii saarnaan doonin maadama hoos udhac weyn uu sii sameeynaayo halkaan hoose kaga bogo ilaa hada ganacsiga uu gudaha India ka sameeyay.

Todobaadka Kowaad-84.10 Crore

Jimco Labaad-85 Lakh

Sabti Labaad-1 Crore

Axad Labaad-1.25 Crore

Isniin Labaad-80 Lakh

Todobaadka Labaad-3.90 Crore (4 maalmod)

Wadarta Guud-88 Crore (Trade Figure)

Dhanka kale filmka koonfur Indai ee KGF qeybtiisa af hindiga looga daawaday ayaa ganacsi wacan sameeyay maalintii shalay ahed waxuuna hader wadarta guud mudo 11 maalmod ah marayaa 27.50 Crore.

Waa qasab in todobaadka labaad uu hoos udhac sameeyo waxuuna toodbaadkii labaad marka uu dhameesto keeni doona 9.50 ilaa 10 Crore lacago udhaxeyaan taasi oo kadhigan in 55% uu hoos udhacaayo marka todobaadkii kowaad lala bar bardhigo.

Fadlan halkaan hoose kaga bogo KGF iyo ganacsiga uu ka sameeyay gudaha India qeybtiisa af hindi-ga lagu daawaday sida ay soo daabacday shabakada Box-office-ka India…

Todobaadka Kowaad-21.25 Crore

Jimco Labaad-1.25 Crore

Sabti Labaad–1.50 Crore

Axad Labaad-2 Crore

Isniin Labaad-1.50 Crore

Todobaadka Labaad-6.25 Crore (4 maalmod)

Wadarta Guud-27.50 Crore (Trade Figure)

Waxaa cajiib ah in filmkaan KGF oo film koonfur India laga leeyahay ah qeybtiisa af hindiga lagu daawaday kaliya waxuu todobaadkiisa labaad ka lacag badanyahay SRK filmkiisa Zero ganacsiga uu todobaadkiisa labaad sameeyay waxaana tusaale kugu filan in 4 maalmod ugu horeyay todobaadka labaad isku ganacsi ahen oo laba jibaar badan yahay KGF.