Zero Vs Simmba: Shah Rukh Khan Oo U Awood Sheegtay Karan Johar Iyo Ranveer Singh

kaliya hal bil ayaa ka hartay in tiyaatarada la saaro labada filim ee weyn kuwaaso kala ah simmba iyo zero simmba waxaa la daawan doona 28 december waxaa hogaamiye ka ah aktarka ranveer singh iyo sara ali khan oo ah filimkeeda ugu horeeyay

halka director uu ka yahay rohit shetty waxaa soo saare ka ah karan johar waxaana filimkaan ku midoobayn dad magac iyo awood ku leh bollywoodka xiligan

iyagoo tartan ka geli-doonan Shah Rukh Khan oo wata filimka zero kaaso la daawan doona 21 december sanadkan waxaana ku wehliyaan anushka sharma kohli iyo katrina kaif halka director uu ka yahay anand la rai

iyadoo hadda ay bilaabatay dagaal dhanka tiyaatarada markaan shah rukh khan ma fiirin doono saaxiibtinimo madaama labada filim kaliya uu u dhaxeeyo farqi ah 7 maalin

 

sida wararka ay sheegayaan aktarka shah rukh khan inuu heli doono tiyaatarada ugu badan waxaana warbixin ka qortay majalada bollywood hungama shah rukh khan filimkiisa ayaa saxiixday Heshiis labo usbuuc oo ku saarnaan doono tiyaatarada single screen ka ah

iyadoo ranveer iyo kooxda filimka simmba halkaas looga tiyaataro badnaan doono madaama filimkan uu wato miisaaniyad weyn waxaana sidoo kooxda tiyaatarada iska leh ayaa waxa ay helayn dalabyo badan oo ku aadan filimka zero

iyadoo Kooxda filimka simmba ay dadaal dheeri ah u galayn inuu helo tiyaataro badan waana mid u muuqata inay midaas dhacaynin ranveer singh iyo karan johar ayaa isku dayi doonan ina helaan tiyaataro badan

laakiin waxa ay markii hore doonaayeen inay helaan tiyaataro dhan 3000 laakiin candhuftaas dib ayay u laqayaan sababtoo ah filimka zero uu noqon doono filimka heli doona tiyaatarada ugu badan

1 Comment

  1. Jabriil Abdikadir sxb aada u mahadsan tahay sidaas ku soco filimada masraxa la saari rabo warbixinada saaas noogu soo gudbiya

Comments are closed.